Information about cancer

 WAA MAXAY KANSAR?










Dad badan marka ay maqlaan ereyga kansarka, waxay la xiriiriyaan cudur halis ah oo cawaaqib xun leh


Laakin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaadada ee xanuunkan ayaa kordhay sababo la xirira ogaanshaha cudurka ee xilli hore sidaa darteed waa la daweyn karaa ka hor inta uusan aad jirka kale ugu faafin.


Dhibaatadu waxay tahay inta badan, sababtoo ah ma rabno inaan dhibno dhakhtarka ama ma siinno muhiimad ku filan, waxaan iska indhatiraa calaamadaha qaar oo muhiim u ah ogaanshaha hore


Dhibatada ugu weyn waxay ka timaaddaa marka uu qofka iska indha tiro ama uu ka wahsado inuu booqdo dhakhtarka.



Kansar (Af Ingiriis : cancer; Af Carabi  ar‎) waa Cudur khatar ah oo lagu dhinto. Cudurkaan jirka oo ku bataa woona ku weynaadaa.cudurka kansarka ah waa cudur lagu dhashto, laakiin kuwo waxaa jiro oo laga qaado waxyaabaha shucaaca sida shucaaca qoraxda oo kale iyo wixii la mid ah. Cudurada Kansar woo kala duwanyahay. waxeena ukala baxaan sida hoostaan ku qoran.


kansarka jirka

kansarka baarka

kansarka mindhicirada caloosha

kansarka kaadida(sigaarka badan oo la cabo

Cancer



Magaca kansar waxa loo isticmaalaa in kabadan 100 cudur oo ka dhasha tarmidda unugyada jirka oo utarma si aan caadi ahayn


Unugyada caadiga ah sidee bey ushaqeeyaan?

Jirka waxa uu ka kooban yahay unugyo ka badan tirilyan, unugyaduna waa kuwa kora, oo qeyb sama, waxay na ku dhintaan si habsami ah, xiliga bani aadamka uu yar yahay unugyada waxay u tarmaan si xawli ah taasoo ka dhigaysa hofka inuu jir ahaan uweynaado, laakin marka qofka  uu qaan gaaro unugyadu waxay tarmaan marka qaar ay dhintaan ama uu dhaawac soo gaaro oo kaliya, laakin uma tarmaan sida qofka marka uu yar yahay oo kale



Sidee buu kansarka ku bilaawdaa?

Kansarka wuxuu bilowdaa marka qaar kamid ah unugyada jirka ay bilaabaan iney utarmaan si xad ka bax ah, ayadoo aysan jirin sabab loogu baahan yahay tarmidaas, sida unugyo dhintay ama unugyo dhaawacmay midna, tan kale unugyada caadiga ah wey dhintaan laakin kuwa kansarka waxay tararnka bilaabaan ayagoo aan dhiman, taasoo badinaysa tirada unugyada, sidoo kale unugyada kansarka waxay sameeyaan wax aysan samayn unugyada caadiga ah, taasoo ah in ay gudaha ugalaan xubno kale oo ay ku sii dhex tarmaan.


Tarmida xad la’aanta ah iyo dhex galka qeyba kale oo kamid ah jirka ayaa sababa unugyada iney isku bedelaan kansar. Is bedelkaan wuxuu ka dhashay qalad ka dhacay DNAda (deoxyribonucleic acid)  unuga, unug walba waxa uu leeyahay DNA oo ah hidda sidde agaasima shaqada iyo kobaca unugaas, hadii uu qalad ka dhaco DNAda unugyada caadiga ah, wey saxaan ama unuga oo dhan ayaa dhinta, kansarkuna waxuu bilowdaa marka qaladki ka dhacay DNA-da unugyada aan la sixin ama uusan unugu dhiman wali.


Dadka qaar waxay waalidkooda ka dhaxlaan unugyo qaba DNA qaldan, laakin mararka qaar qaladka DNA waxaa sababta dhibaato ka timid nolosha, sida sigaar cabida oo kale, hasayeeshee waa dhif si lagu ogaado waxa saxda ah ee sababay kansarka mar hadii uu ku dhaco ruuxa bani aadam ka.


Kansarka sidee buu ku faafaa?

Kansarka wuxuu usafri karaa qeyba kamid ah xubnaha jirka isagoo raacayya wadayaasha dhiiga, kadibna waxuu ku dhex tarmayaa xubnahaas ayadoo meshaas ay ka dhalaneyso ciriiri uu sababay kansarka, marka kansar uu usafro qeyb kale oo jirka kamid ah waxaa loo yaqaanaa metastasis tusaale ahaan waxaa laga yaabaa kansar kasoo bilaawday mindhiciraha inuu ugudbo dhiiga uu sababo kansar kadhaca beerka, sambabada iyo maskaxda.



Waa maxay burada?

Burada waa kansar aan halis laheyn, sidoo kale burada waxay dhaqan la wadaagtaa kansarka laakin ma ahan halis sababtoo ah marka ay weynaato gudaha uma gasho xubnaha ku hareereesan, taasna waa waxa ay ku kala duwanyihiin kansarka iyo burada. Sidoo kale burada umasafarto xubno kale si ay kansar ugu abuurto, burada waxaa lagu daaweyaa in lagu sameeyo qalliin oo burada laga gooyo booska ay ku fadhido.


Dhibaatooyinka kansarka

Kansaradu waxaa xanuuno ay mataaneeyaan dhibaatooyin badan oo uusan jirku tabar uhayn, markasta oo unugyada jirka ay tarmaan waxay isticmaalayaan dhaqaalaha jirka taas oo dhalisa isu dheelitir la’aanta nafaqada jirka, sidoo kale kansarka wuxuu sababaa weerar usoo qaado difaaca jirka oo isna ubaahan dhaqaale nafaqo ah, dhibaatooyinka kale ee uu horseedi karo jirka waxaa ka mid ah, misaanka jirka oo luma, caabuq raaga, dhiig yari, ciriiri ka dhasha meesha uu kansarka ka bilowday





w.Q Dr Badraani

Post a Comment

0 Comments