Information about ARAB LEAGUE...

 







Ururka jaamacada carabta waa urur kamid ah ururada kajira dunida waxaana la aas'aasay maalin  Khamiis ah oo taarikhdu ku beegneyd  22/3/1945


Ujeedooyinka ururkan loo aas'aasay ayaa ahaa inuu ka shaqeeyo 


1: dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah ururkan 


2: siyaasada dalalkan xubnaha ka ah ururkan


3: waxbarashada , caafimaadka iyo kaabayaasha adeeg ee ururkan dalalka xubnaha ha ka ah horumarintooda 


Ururkan waxaa markii la bilaabay aas'aasay 6 dal oo carab ilaa aakhirkii maanta tirada ururkan dalalka ku midaysan ay yihiin  22 dal 


Ururkan waxaa hogaamiye ka ah XOG-HAYE ( SECRETRY ) waana madaxa ururkan tan iyo 1945 ilaa 2023 ururkan waxa uu yeeshay 8 xog-haye kuwaas oo 


Mid waxa uu ahaa sucudiyaan🇸🇦


Midna waxa uu ahaa Tunisian 🇹🇳


Halka 6 ay ahaayeen Masaari 🇪🇬


Dalalka xubnaha ka ah ururkan waxay kala yihiin


Yemen 🇾🇪 

Saudi 🇸🇦 

Somalia 🇸🇴 

Tunisia 🇹🇳 

Comoros 🇰🇲 

Djibouti 🇩🇯 

Iraq 🇮🇶 

Egypt  🇪🇬 

Bahrain 🇧🇭 

Libya  🇱🇾 

Kuwait  🇰🇼 

Lebanon 🇱🇧 

Syria 🇸🇾 

Palistinia 

Oman 🇴🇲 

Morocco 🇲🇦 

Mauritania  🇲🇷 

Sudan 🇸🇩 

Qatar 🇶🇦 

Jordan 🇯🇴

Algeria 🇩🇿 


Dalalkaas waa xubnaha ku midaysan ururkan hadaba bal aan waxyar kuu bidhaamiyo


Hadii bedka Dhuleed dalalkan ku fadhiyo la isku geeyo waxa uu noqonaya 


13million km squeres 


Waxayna noqon lahaa lahaayeen dalka 2aad ee ugu weyn dhul ahaa  dunida marka laga yimaado dalka 

Russia 🇷🇺 oo ah dalka ugu weyn dunida dhul ahaan oo 4million km ka weyn dalalkaas ururka jaamacada carabta ( ARAB LEAGUE  ) 


Hadii dadka kunool dalalka la isku geeyo tiradoodu waxay noqon lahayd ku dhawaad 600million qof kuwaas  oo ka badan wax badan dalal badan oo caalamka waxayna noqon lahaayeen dalka 3aad ee ugu dadka badan dunida marka laga yimaado 


India 🇮🇳 

China 🇨🇳   


Oo hogaanka u haya taranta dalalka ugu badan dunida 


Dhaqaalaha dalalkan haday midoobi lahaayeen si dhab waxa uu noqon lahaa 3tirilion oo dolar $$ 

Kaas oo noqon lahaa dalka 2aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida marka laga yimaado dalka 

CHINA 🇨🇳  oo ah ka ugu dhaqaalaha badan dunida 


Hadii dalalkan midoobi lahaayeen waxay shidaal ahaan usoo saari lahaayeen 30% dalalka caalamka


Hadii dalalkan ay midoobi lahaayeen waxay soo saari lahaayeen korontada / laydhka dunida oo dhan iyagoo isticmaalaya saxaraha / lama degaanka LIBYA kaasi oo ay ku xiri lahaayeen SOLAR SYSTEM dunida uma baahateen koronto



Hadaba heshiiskii ugu taarikhisanaa ee ururkan soo saaray inta uu jirey ayaa ahaa


Bishii 3aad ( march ) sanadkii 2002 mudo ku siman 21 sano ka hor ayaa dalalka ku midaysan ururkan waxay iskugu yimaadaan magalada  Beirut ee dalka Lebanon 🇱🇧   shirkaas waxaa laga soo saaray qaraarkii caanka ahaa ee ( ARAB PEACE INITIATIVE )  kaasi oo dalalka carbeed ku meel mariyeen in aysan aqoonsan maamulka yahuuda tan iyo inta la helayo dal la dhaho Falastiin oo dunida si buuxda u aqoonsato 


Qaraarkaas waxaa ka fuliyay dalalka kooban intooda badan dalalkii malinta saxiixay go'aankaas waxay hoosta ka galeen maamulkii yahuuda ee taagta darnaa !!

Post a Comment

0 Comments