Ramla iyo Guzman
Gabadha Soomaalida ah ee haysata jinsiyadad Ingiriiska Ramla Cali ayaa soo ceshatay Suun xagga feerka ah oo ay lumisay sannadkan gudihiisa ka dib markii ay ka badisay Alejandra Guzman oo u dhalatay Mexico
Cayaarta oo ka dhacday Montem carlo ayaa Ramla oo 34 jir ayh waxay dib u soo ceshatay suunka WBA interconrinental, kaas oo ay lumisay bishii Juun, waxaana garsoorayaasha ay kala siiyeen 96-94.
Ramla waxay sheegtay in aysan hurdo seexan habeenkii cayaarta ka horreysay. “Xilligaygii caadada ayaa ii billowday saaka, tamarteydana way yarayd” ayey tiri
Ramla oo sagaal goor guulaysatay marna laga guulaystay muddadaii ay feerka ku jirtay ayaa ayadoo yar la geeyey Britain halkaas oo ay ka billowday cayaaraha
Wareeggii labaad iyo kii seddexaad waxay Ramla la heshay laba midi goo xoog leh.
Guzman sidaa kuma quusan ee feer ay garka kala heshay (Upper cut) wareeggii lixaad, laakin Ramla degdeg auyey uga soo kabsatay, waxayna dhowr feer oo is daba joog ah la heshay wareeggii todobaad.
Sidaa ayey ku sii wadday, halka Guzman ay raadinaysay inay mar kaliya dhulka feer la dhigto (Knock out), waxayna Rmla isku dayeysay inay fogaato inay soo gaarto gacanta Guzman, maadaama feerkeeda bidixda uu kulul yahay, gaar ahaanna waxay taxaddarka badisay labadii wareeg ee u dambeeyey.
Ninka dhiirrigaliyaha u ahaa Ramla, Eddie Hearn, wuxuu ku tilmaamay cayaarta “ama samee ama jab” oo si kale marka loo yiraahdo noqonaysa “ama guulayso ama guul darrayso”
Wuxuu intaa ku sii daray in Ramla ay u sii dhawaanayso jaa’isadaha caalamiga ah , gaar ahaanna inay horyaalnimada WBA kula feertanto Mayerlin Rivas oo u dhalatay Venezuela, iyo gabadha reer Mexico ee Erika Criz Hernandez oo cayaari doonta dabayaaqada Bishan
0 Comments