Hadba macanka ama sonokorta waa cudur halis ah uu kudhaca bani .adama kaas o ay kala kulman marxalado adag
hadaba sameyn intee le'ega laga yabaa xanunka macanka dunida in uu ku yeshay dhowor iyo sodonki sano laso dhaafay
Tira koob ay sameysay heyda cafimaadka aduunka (who)waxaa qeexday ama shegtay tirada dadka uu macanku haleelay sandki 1980 kii ay aheed 108 millyan halka ay 2014 ay sheegtay in ay ahed tirada dadka macanka qaba in ay dhan yihin 422 millyan , marka lo eego halbeega caalimiga ah ee xanunka manacka dadka ay da.do ka weyn tahay 18 sanno ee kudhacdya macanka waxay ay sare u dhafen 1980 boqolkib 4.7% inta kadib 2014 waxay sare u dhafeen boqolkiba 8.5% waxa sarre usii kac shay tirada dadka macanka asiibay ee kunol wadamada dhaqale la.anta heyso iyo kuwa kasi hooseya sonkorta ama macanka waa xanunka keena indho la.anta ,faalidka iyo wadna xanunka sannadki 2016 dhimashada lagu qiyaasay dadka u dhintay waxay garayan 1.6 millyan oo ruux wana hubaal in u xanunka macanka sababay dhanka kale hadan eegno 2012 dhimashada dadka u dhintay waxa lagu qiyaasay 22.millyan waxana loo aaneyey sonkorow dhiiga oo aad usareyey sidaas darted baa heyda cafimadka aduunka ee la dhaho (who) waxay qortay in xanunka sonokorta ama macanka kalainta todobaad kaga jiro as baabihi dhimashada ee 2016
Hadaba si aad ugu hortagto ku da.daal
cunista cunta cafimad qabta ,jimicis joogt ah,dhin miisankaga ,tubakagada jooji ,sagarka, tubagada waa mid a ugu daran ee asib karta inu mid kale dhasho
xanunka macanka waa ladaweyn kara waxana lagu daweyn kara cunta cafimad qabta iyo miisakan ok dhinta iyo dawadeyda oo tos u qadato sida insulinta
Waa maxay xanunka macanka?
xanunka macanka ama sonkorowga waxa uu dhasha marka ay kubadato sonkorta (glucose)taas oo kabadata xadigi loo gu tala galay in ay ahaato
maxa sabbb cudurka macanka
1:in dhecaamada (insulin)oo uu ganacu sodaayo daayo laga wayo dhiiga
2:in qanjidka sosara dhecaanka ama hormunka inusulinta u so deyn wayo xadiga insulinta oo kiflan xadiga macanka ee dhiiga kujira sidaasi daryed sonkorti bu'da unuga gudaha u geli lahed ee tamar lo badali laha waxa ku adkatay in ay gasho gudaha unugga
3:waa maxay (inusulin)
inuslin waa dhecan ama hormuun dhiiga ku uruuriya sonkorta waxana sameya oo sodaya ganaca o ah xubin xubin kutala calosha dhexded dhanka bidix .
ganaca waxa ku jira unugyo yaryar oo sameya inusulinta kuna dara dhiiga si uu uyareeyo xadiga sonkorta ee dhiiga kujira .
4: macanka imisa nooc u qeyb sama ?
nooca 1aad (diabete tybe )nocaan waxa sabab in uu jirku helin xadi ku filan oo inuslina wuxuna kudhaca boqolkiba 95% caruurta boqolkiiba 5 sohartayna wuxu kudhaca da.da waaweyn .
nooca 2laabad (diabete tybe)nocaan waxa sababa ganaca oo aan sodeyn xadi kufilan kaas oo kayar xadigi lobahan inuslinta sidaas darted unugyada jirka ma helan sonkor ay tamar u badalan sonkortina dhiiga ayey dul sabeyn in sonkorto geli weydo jirka waxa ugu unugyada wacan sababta dhaxal toyo ah o la xirita hide sidaha [DNS]qofka oo aad ucuna waxyabah macanka ah kubadaa tahay oo dadku halis ugu jiro dadka oo.gaboboba misanka jirka oo bata (obestity)fikirka faraha badna (stress)
Nooca 3aad (Gestational Diabetes): Waa macaanka ku dhaca hooyada uurka leh Calaamadaha lagu garto waxa kamida haraad badan, kaadi badan, gaajo badan iyo daal faro badan Sidaasi darteed hooyada uurka leh waxay macaankeeda ku xakamayn kartaa
A) Cunto caafimaadkeeda u fiican sida khudaarta ukunta hilibka iwm waxana ka reeban hooyada uurka leh cunista xabxabka, cinabka, bariiska, baastada, roodhida iwm.
B) Jimicsi joogto ah sida socod iwm Haduu macaanku intaas ku dagi waayo waxa la siinayaa irbada macaanka (Mixed Type Insulin)
Waa Maxay Sababta Irbada Loo Siinayo Hooyada Uurka Leh?
Sababtoo ah irbada macaanku kama gudbi karto madheerta oo ah iskuxidhka hooyada iyo ilmaha uurka ku jira.
hadaba waxa kale oo jiri kara kiniin macaanka
loo isticmaalo oo aan ka gudbin madheerta loona yaqaano metformin waana la siin karaa irbada badelkeeda laakiin markuu aad u kacsan yahay irbada ayaa u fiican.
Hooyada Uurka Leh Muxuu Macaanku Ku Keeni Karaa?
1-Dhiigkar 2-In dhiiggu uu kaco; kelyahana dhaawac ka soo gaadho. 3-In ilmaha uurka ku jira uu madaxu waynaado, taai oo keenaysa in hooyadii ilmaha lagu qalo; waxana suurtogal noqon karta in ilmahaas mustaqbalka dambe uu ku dhici karo, macaanka noociisa labaad.
Daawooyin Noocee Ah Ayaa Macaanka Lagu Daweeyaa?
Daawooyinka macaanka lagu daaweeyo waxa loo qaybiyaa lix nooc. Mid mid ayeynu u dul istaagi doonaa; waxana aynu ka hadli doonaa mid waliba faa’iidada iyo waxyeelada ay jidhka ku sababayso iyo sida ay u shaqayso; waana sidan socota:
1) SULFONYLUREAS: Waxa kamida sida daawooyinka Glibenclomide iyo Glepiride. Waa daawo loo qaato nooca labaad ee macaanka (Type 2). Dawadan oo la sameeyey 1950-meeyadii, waxa ay shaqadeedu tahay in ay ganaca (pancrease) ka caawiso, soo saarista dheecaanka ama hormoonka Insulin ee dhiigga sonkorta ka ururiya. Dawada marka la qaadanayo qofka waxa loo raacinayaa inuu qaato cunto aan macaan lahayn iyo inuu jimicsi sameeyo. Dawadani waxay sababta in macaanku hoos u dhaco; waxana qofku uu ku garan karaa in macaankiisii hoos u dhacay astaamahan soo socda: Dhidid badan, Gaajo, Gariir jidhka oo dhan, Khalal xaga maskaxda ah iyo miisaanka oo kordha.
2) MEGLITINIDES: Waa daawo afka laga qaato oo loo isticmaallo nooca labaad ee macaanka (Type 2) waxaana kamid ah dawada Repaglinide. Waxay kordhisaa xadiga Insulin ee ganacu uu soo daynayo; waxana ay hoos u dhigtaa macaanka dhiigga. Waxyeeladeeda waxa kamida: yalaalugo iyo miisaanka oo kordha.
3) BIGUANIDES: Waxa kamida (Metformin) oo ah daawo loo qaato nooca koowaad ee macaanka (Type1) Waxay sarre u qaadaa cadaadiska xididadu ay ku keenayaan hormoonka Insulin, si sonkorta dhiigga ku badani ay u gasho unugyada jidhka.
4) THIAZOLIDINEDIONES: Waxa kamida (Pioglitazone) oo ah Daawo sarre u qaada la falgalidda hormoonka Insulin uu la falgalo duxda iyo muruqyada Dhibaatada daawadani ay keento waxa kamida Edema (Barar) iyo miisaanka oo kordha
5) ALPHA-GLUCOSIDASE INHIBITORS: (Acarbose) waa daawo loo qaato nooca labaad ee macaanka, taasi oo hoos u dhigta xadiga sonkorta ee laga nuugayo mindhicirka yar (small intestine).
6) DPP4 INHIBITORS (Sitagliptin) waa daawo loo qaato macaanka noociisa labaad, waxa ay xoojisaa soo daynta dheecaanka ama hormoonka Insulin; waxa ayna yaraysaa xadiga sonkoreed ee dhiigga ku jira. Waxyeeladeeda waxa kamida caabuq ku dhaca ganaca iyo kansar
Waa Maxay Ujeedka Loo Qaadanayo Daawooyinku?
Hadii heerka macaanka dhiiggu ka badan yahay intii caadiga ahayd, waa in hoos loo dhigo lana gaadhsiiyo intii laga doonayey inuu ahaado. Tusaale ahaan, haduu qofku sooman yahay, waa in heerka macaankiisu ka yaraado 126 mg/dl, hadii se uu intaas ka bato macaan ayaa jira. Dhanka kale hadii qofku aanu soomaneyn, waa in heerka macaankiisu noqdo 140 ilaa 200 mg/
Marka ugu horeysa ee la ogaado in heerka macaan ee qofku ka badan yahay 300mg/dl ilaa 600mg/dl iyo wixii ka sareeya, waxa wanaagsan in qofkaas la siiyo irbadihii macaanka dajinayey ee aan la siinin kiniino. Markaas kadib ayaa qofkii tallo la siin karaa.
Iyadoo loo eegayo nooca macaanka, hadii uu yahay kan carruurta ku dhaca, waxa lagu bilaabayaa irbadda macaanka (Mixed Insulin), taasi oo inta noloshiisa ka hadhay uu sii wadi doono. Hadii se uu noqdo nooca labaad ee macaanka (Type 2), waxa la siin karaa tallo. Waxyaabaha lagala talinayo waxaa kamida, cuntooyinka uu qaato; waxana lagula talin doonaa cuntooyinka u fiican caafimaadkiisa. Sidoo kale waxa lagula tallin doonaa inuu sameeyo jimicsi iyo socod. Intaa kadib hadii tallaabooyinkaas lagu xakamayn kari waayo, waxa loo bilaabidoonaa dawada Metformin oo la siin doono maalintii laba jeer
Sidee Loo Baadhaa Xanuunka Macaanka?
1) Qofkii oo mudo sideed saacadood ah aan oomato afka saarin, marka la baadho dhiigiisa hadii ay natiijadu noqoto inta u dhexaysa 100mg/dl ilaa 125mg/dl, waxa la odhanayaa qofkaas macaanbaa ku soo socda (pre-diabetic). Qofkaas wax dawo ah lama siinayo laakiin waxa lagula talinayaa inuu iska joojiyo cuntooyinka macaanku ku badan yahay, jimicsi sameeyo; hadii miisaankiisu badan yahayna uu dhimo. Laakiin hadii uu macaankiisu ka bato 125mg/dl isaga oo aan waxba cunin, qofkaasi macaan ayuu leeyahay; tallooyin ayaana la siin doona.
2) Qofku marka uu wax cuno, ee laba saacadood kadib la baadho dhiigiisa, haduu ka bato 200mg/dl, qofkaasi macaanbuu leeyahay; waxana la siin doonaa tallooyinka uu u baahan yahay. Laakiin in macaanku yahay noocii koowaad ama noocii labaad sidee lagu ogaan karaa
3) Si loo ogaado in macaanku yahay kii 1aad ama kii 2aad, waa in dhiigga laga baadho dheecaanka C-Peptide oo sheegaya in ganacu uu soo saaray Insulin iyo in kale. Haduu ganacu soo saaray Insulin, C-Peptide-ku kor ayuu u kacaa, hadii aanu soo saarina hoos ayuu u dhacaa. Sarre u kicista heerka C-peptide wuxuu inoo sheegaa macaanka noociisa 2aad inuu qofka hayo dhanka kale hoos udhaca C-peptide wuxuu inoo sheegaa macaanka noociisa 1aad inuu qofka hayo
4) HpA1C: habkan himogolobiintu wuxuu inoo sheegaa heerkii macaan ee qofka dhiigiisu uu maraayey saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. 4.5% ilaa 6% waa cadayn sheegaysa in macaan ku soo socdo qofka haduu gaadho 8% wuu dhaafay xaaladii macaan caadi ah waxa uuna gaadhay inuu xubnihiisa muhiimka ah dhaawac u gaysto sida indhaha, kelyaha, wadnaha iwm
0 Comments