technological problems

  



Kuuriyada koonfureed maalimo ka hor waxa laga diwaangaliyey dhacdo aad u xanuun badan, oo werwer hor lehna ku kordhisay bulshada caalaamka. Robot(Aadane-u eeke) ka mid ah robotyada ka hawlgala warshad ku taalla dalkaasi ayaa si xun u dilay shaqaale isla warshadaa ka shaqeyn jiray. Shilka ayaa dhacay ka dib markii uu robot-ku u maleeyey ninka shaqaalahaa ee uu dilay kartoonadii uu xidhxidhayey. Ninkan uu dilayna,robot-ka ayuu hoos taagnaa oo uu hubinayey dareemayaasha ku rakiban. Robot-ka ayaa sidii alaabtii ninka soo dhuftay oo ku masaxay birta iswada ee alaabaha warshada la raaciyo,halkaas oo dhaawacyo waaweyni ka soo gaadheen. In yar ka dibna dhawaacyadii ayuu u dhintay. 


Dhacdadan ayaa dib u soo celisay doodii ay dad badani qabeen ee aheyd: tiknoolajiyadda heerka sareysa ee aynu farsameynaa sida:Robot-yadu ma ina dhibaateyn karaan mise waa amarqaatayaal uun? Si kale hadii aynu u dhigno

Walxihii aynu waxtarkooda dhawreyney, waxyeeladeena ma u heelanaan karaan? 


Si aynu weydiintan iyo kuwa la halmaalaba isula garano aynu dib u jalleecno dadkii mawduucan wax ka yidhi ama wax ka qorayba. Isaac asimov oo ahaa hormuudka qoraayada sayniska-male'awaalka wax ka qora, isla marahaantaana la xasuusto marwalba oo la xuso mawduucan ayaa waxa uu robotyada, maamuulkooda iyo macaamilkoodaba ku jaangooyay dhawr xeer oo ay tahey in lagu dhaqmo:1) Robotku lagama yaabo inuu waxyeelo u geysto dadka, ama cillad daraadeed uu saamaxo inay dadku ku waxyeeloobaan/dhaawacmaan. 2) Robot-ku waa inuu fuliyo/qaato amarada ay siiyaan bini-aadanku,marka laga reebo amarada ka hor imanaya xeerka koowaad.

3)Robot-ku waa inuu ilaashado jiritaankiisa illaa inta ilaalitaankaasi aanu ka hor iman xeerka koowaad ama labaad. 


Guud ahaanna xeerarkani waxa ay dhigayaan in robotyadu ay amarada qaatan wax dhib ahna  aanay waligood  dadka u geysan. 

Inkasta oo xeerarkani u muuqdaan kuwa xadeynaya robotyada, hadana waxa hoos u dhigaya ku tiirsanaantooda tiknoolajiyadaha heerka sarreeya ee uu Ai ama garaad-gacmeedku ka midka yahey. Garaad-gacmeedku sida la ogsoon yahey heerka waxqabadkiisu waa mid xuduudaha ka baxsan oo intii la filayey dhaafay. Dadka qaar ayaa qaba in hadii xogta lagu keydinayo ay badato uu yeelan doono garaad ama wacyi si iskii ah uu wax ugu kala garan karo taasina ay ka dhigan tahey in aadanaha dunida guudkeeda saarani ay halis daaqayaan!

Post a Comment

0 Comments