cuntada Adduunka oo dhan waxa ka jira dhaqamo kala duwan oo ku saabsan waxa ay muslimiintu cuni karaan iyo waxa aysan cuni karin, iyo kala duwanaansho badan oo ka dhex jira bulshada muslimka ah.
Muslimiinta laftoodu waxay raacayaan dhaqamo kala duwan oo ku saabsan waxa ay cuni karaan iyo waxa aysan cuni karin. Guud ahaan, waxa jira cuntooyin iyo cabitaanno bannaan marka loo eego diinta Islaamka oo si weyn loo tixgaliyo
Aynu si qoto dheer u eegno liis dhamaystiran oo ah cuntooyinka loo arko inay yihiin 'xaaraam' ama aan bannaaeyn cunistooda
Dofaaarka
Doofaarka oo cunista hilibkiisa caan ku yihiin dadka aan Muslimiinta ahayn ayaa kamida cunnooyinka aysan muslimiintu cuni karin isla markaana aan u bannaaneyn.
Waxaa jira subag iyo waxyaabo kale oo lagu farsameeyay hilibka iyo subagga doofaarka oo si caadi ah loo iibiyo kuwaas oo inta badan dadku ay ku qaldamaan waliba dalalka aan Islaamka ahayn
Khamriga
Khamriga ayaa ka mida waxyaabaha ka mamnuuca ah Muslimiinta ee aan u bannaaneyn, dhammaan noocyad
Hilibka xoolaha dhintay ama bakhtiyay
Hilibka xoolaha dhintay ayaa kamid ah kan aan xalaalka u ahayn muslimiinta diintuna ay reebtay cunistiisa. Waa hilib aan ku imaanin gowraca saxda ah ee shareecadu sheegtay, waana xaaraan aysan bannaaneyn in la cuno
Dameeraha
Soomaalidu waxa ay kamid tahay dadka aad u dhaqda dameeraha dab-joogta ah kuwaasi oo diiniyan aysan bannaaeyn in la cuno iyadoo loo cuskanayo xadiisyada.
Taa bedelkeedana waxaa Soomaaliya kasii dabar go’aya noocyada kale ee dameeraha ee lagu tilmaamo in ay xalaal yihiin ama hilibkooda la cuni karo
Shimbiraha iyo halaqyada
Xayawaannada qaar ee shimbiraha ah iyo halaqyada sida masaska iyo abeesooyinka ayeysan bannaaneyn cunista hilibkooda, guud ahaan waa mamnuuc marka loo eego culimadda Islaamka.
Sidoo kale shimbiraha hilibka cuna sida Gorgorka, gallayrka, guumayska iyo dafada ayaan loo ogolayn muslimiintu inay hilibkooda cunaan
Qaar kamida xayawaannada duurjoogta ah
Qaar kamida xayawaannada duurjoogta ah ayaa ah kuwo aan bannaaneyn in la cuno ama muslimiinta ka xarriman waxaana kamida Maroodiga, Shabeelka, eyga, daanyeerrada iyo kuwo kale oo badan.
Cuntooyinkan iyo waxyaabahan oo dhan ayaa sida caadiga ah ka maqan ama aan lagu dhex arkin cuntada Muslimiinta ee adduunka oo dhan, iyo sidoo kale bulshooyinka kala duwan iyo mad-habyada Muslimiintaba.
Muslimiin badan ayaan cuni karin cuntada lagu kariyey khamriga, xitaa haddii aysan ka dhigi doonin kuwo sakhraansan.
Marka ay timaado cunista xoolaha, Muslimiin badan ayaa u qaadan doona oo kaliya in xoolaha la qalay loo arko ‘xalaal’. Tan waxaa ka mid ah in lagu gowraco magaca alle, uuna gawraco qof diinta si wacan u garanaya, oo wata mindi af badan oo weyn oo lagu gowraco tilmaamaha diineed, iyo in lagu sameeyo hal dhaqdhaqaaq
Iyadoo inta badan diirada la saaro cuntooyinka laga mamnuucay caqiidada Islaamka, waxaa lama huraan ah inaan la illoobin noocyada kala duwan ee cuntooyinka lagu raaxaysto ee lagu dhiirigaliyo laguna cuno jawiga wanaagsan ee bulshooyinka muslimiinta ah. Islaamku wuxuu hoosta ka xariiqay cunista cunto caafimaad leh, saafi ah, oo faa'iido leh.
Dhammaan cunnada badda, qudaarta, dalagyada kasoo baxa beeraha, caanaha, iyo waxyaabo kale oo badan ayey cunaan muslimiinta beddelka kuwa aynu kor kusoo xusnay
0 Comments