Maroodigu waa xayawaan kamid ah naaslayda waana xayawaanka marka lajoogo dhulka ugu xajmiga weyn muuqaal ahaan maroodiga waxa loo qeybiyaa 3 nooc oo kaliya labada qaaradood waa afrika iyo Asia ayuu maroodigu aad ugu badanyahay
Dherarka maroodigu afrika kunool waxa uu gaaraa ( 4 metres ) culeyskiisuna waxa
uu gaaraa ( 5,400killograms )
Maroodiga kunool qaarada Asia isna dherarkiisu waxa uu gaaraa ( 2.7 meters ) culeyskiisuna waxa uu gaaraa ( 2,700killograms )
Maroodigu waxa uu cunaa inta ugu badan dhirta waxaana uu kunoolayahay dhulka Keymaha ah ama duurka ( Forest ) waxaana uu kamid yahay xawaanada kunool kenta waxaana afka qalaad ( WILD ANIMALS ) oo af-somali ahaan ku noqonaysa
( XAYAWAANADA DUUR-JOOGTA AH )
Maroodigu maalintii waxa uu cuni karaa inta udhaxeysa cunta culeyskoodu yahay ( 100-300 killograms )
Xayawaankan cajiibka badan waxa uu sidka uurkiisu yahay / muddada uu uurka leeyahay waa inta udhaxeysa 18-22 bilood
Xayawaanka waxa lagu sheegay qur'aanka kariimka lagu sheegay HALMAR ( 1 JEER ) waxaana loogu magac daray suurad dhan
Foolkiisa waxa laga sameeyaa waxyaabo badan sida
Daawooyinka, alaabaha la isku qurxiyo , shanlooyinka qaar kamid ah , furayaasha iwm
Dalka ugu badan ay kunoolyihiin maroodiyada ugu badan oo lagu qiyaaso ( 130kun ) waa dalka Botswana 🇧🇼
Maroodigii ugu weynaa inta la ogyahay taariikhda waxa uu kunoola qaaradan afrika waxaana culeyskiisu ahaa ( 10,886killograms ) waxaana dherarkiisu ahaa
( 13 feet { cagood } )
0 Comments