Information about Covernment

 




Dawlad ...


Dawladu waa tan qabata shaqooyin kala duwan oo ay kamid yihiin 


1: ilaalinta sharciga 

2: ilaalinta amniga 

3: bixinta adeegyada bulshada 

4: iyo metelaada dalkaas ee fagaarayaasha caalamka ku leeyahay 


Hadaba dawladu waxay u qaybsantaa 3 laamood / qeybood 

oo kala ah 


1: MAXKAMADA ( JUDICIARY ) 


2: MADAXWEYNAHA IYO WASIIRADIISA ( EXECUTIVE ) 


3: BAARLAMAANKA 

( LEGISLATURE ) 


iyadoo 3 laamood / qeybood ay mid walba qabato shaqo u gaar ah 


Hadaba aynu mid mid u dul istaagno 3 laamood ee dawladda


1: MAXKAMADA 

( JUDICIARY ) 


maxkamadu waa meesha lagu kala saaro laba qof ama belood ama hay'adood oo isku qabsaday arin 


Hadaba shaqooyinka ay maxkamadu qabato waxaa kamid ah 


1: inay difaacdo xaquuqda qofka muwaadinka ah 


2: inay maareyso cadaalada 


3: inay go'aankeeda kasoo baxa ay fuliyaan dhamaan qeybaha xukuumada 


Maxkamadu waa meesha ugu sareysa dawlada xataa waxay ka sareysa madaxweynaha ama qofka markaas ku fadhiya talada dalka 


Maxkamadu waxay u qeybsantaa 


1: supreme Court 

2: high court 

3: environment Court

4: economic Court 

5: civil Court 

6: military Court 


Oo mid walbaa ay qabato shaqooyin ugaar ah 

Waxaa jira dalal ay maxkamadu lahayn awood buuxda waxaana dalalkaas u badan 

Kuwa boqortooyooyinka 


Hadaba dalka maxkamada ugu da'da weyn ama ugu qadiimsan ay kutaala wa dalka INDIA 🇮🇳


Maxkamada dunida ugu sareysa waxay kutaala dalka Holand / Netherlands 🇳🇱  waana tan arimaha waaweyn kala go'aamisa inkastoo ay noqotay shaadh tosheen dalalka reer galbeedka 


2: MADAXWEYNE IYO WASIIRADIISA 

( EXECUTIVE ) 


waa qeybta / laanta labaad ee ay dawladuhu ka kooban yihiin shaqooyinka ay qabato laanta ayaa kala ah


1: fulinta sharciga ay ansaxiyaan baarlamaanku ( LEGISLATURE ) 


2: ilaalinta xuduudaha dalka iyo madaxbanaanida dalka


3: matalaada fagaarayaasha caalamka ee dalkaas


4: bixinta adeegyada asaasiga ee bulshada 


Laantan waxay u qeybsantaa 4 qeybood 


1: DIMUQRAADI ...

waa dalalka ku dhaqma dimuqraadiyada kuwaas oo madaxweynaha ama raysal wasaaraha  dalkaas ay dadku doortaan waxaana tusaale usoo qaadan karnaa 


USA 🇺🇸 

TANZANIA 🇹🇿 

KENYA 🇰🇪 

TURKEY 🇹🇷 ...


2: BOQORTOOYO ...

Waa boqortooyada ama qoys dalkaas kasoo talinayay jiilba jiil isugu dhiibaan 

Waxayna qoyskaas yihiin kuwa dalkaas ka taliya amarkana bixiya waxaana tusaale usoo qaadan karnaa 


Saudi 🇸🇦 

Qatar 🇶🇦  

Kuwait 🇰🇼...


3: KALIGII TALIYE...

waa in awooda dalka ay kusoo Aruurto  nin kaliya isagaana wax walba oo dawladaas ah faraha kula ama askar si afgenbi ah dalkaas ula wareego xukunkiisa wax doorasho ahna kama dhacdo waxaana tusaale usoo qaadan karnaa


Djibouti 🇩🇯 

 Uganda 🇺🇬 

Eritrea 🇪🇷 ....


4: ODAYAAL DHAQAMEED...

Noocan xukun waa nooc la adeegsan jirey waayadii hore hada ma badna waa in awooda dalka loo dhiibo odayaal dhaqameedyo kuwaas oo qabanaya shaqooyinka kala duwan waxaana tusaale usoo qaadan karnaa


Somalia  🇸🇴  markii ay ahayd reer guuraga waxaa awooda hayay odayaasha kaabo qabiileedyada ah 


Maji-maji oo ahaa odayaal dhaqameedyo ka talin jirey dalka Tanzania 🇹🇿  xiliyadii guumeysiga ka hor...

Post a Comment

0 Comments