Information about Qatar Airways

 


Qatar Airways waxaa la aas'aasay sanadkii 1993 waxayna shaqadeeda bilawday sanadkii 1994 shirkadan duulimaad waxay xaruunteeda ugu weyn ku taalaa magaalaa doha ee dalka Qatar 🇶🇦  


Shirkadan waxay ka hawl gashaa 6 qaaradood ee aduunka waxayna ka degtaa in kabadan  150 dal oo kuyaala dunida daafaheeda 


Diyaarada ugu weyn uguna balaadhan diyaaradaha shirkadan qatar Airways leedahay waxaa magaceeda la dhahaa 

( AIRBUS A380 ) waxayna halkii mar qaadaa ( 854 ) qof oo ay kujiraan shaqaalaha waxaana diyaaradan qiimaheeda lagu gadaa / iibiyaa ( 500million $ )  waana diyaarada aad sawirkeeda  sawirkeeda kor ka aragtaan


Shirkadan qatar Airways shaqaalaha ka hawl galaa tiradoodu waa  ( 46,000 ) qof kuwaas oo shaqaale ka ah shirkadan qatar Airways 


Ticket diyaaradan qatar Airways waa mid kamid ah kuwa ugu qaalisan dunida tusaale:..


Hadii aad Nairobi oo ah caasimada kenya kasoo kacdid adigoo isticmaalaya diyaaradan qatar airways kuna socotid magaalada new-york ee dalka USA qiimaha ticket waa ( 880$ ) halkii qof 



Lacagta sanadkii soo gasha shirkadan ayaa gaaraysa ( 21billion $ ) 

Waana lacag aysan haysan dawladaha afrika qaar kamid ah


Shirkadan diyaaradaha ay haysato tiradoodu waa

 ( 240 diyaaradood ✈️ )


Halkii usbuuc ( WEEK )  shirkadan waxay sameysaa in kabadan ( 272 duulimaad ) oo dunida daafaheeda ah 

Post a Comment

0 Comments